Faadumo Nuur,CNN Suxufiga Sanadka ee Africa(Nayroobi & Kiraynta Hablaha Somaliyeed)

Nayroobi(SaraarMedia)-Faadumo Nuur oo 24 jir ah ayaa mararar badan ku guulaysatey Abaalmarinno dhinaca Saxaafada ah iyadoo mar ku dhex dhuumatay hablo yaryar oo da’dooda qaarkood yihiin Afar iyo Toban jir oo Huteelada Nayroobi ay ku kiraynayeen niman Soomaaliyeed iyadoo Faadumo Nafteeda iyo Gabadhnimadeedaba khatar weyn gelisey si ay dhaqan xun wax uga bedesho.

Faadumo mar ay booqatay Xerada Qaxoontiga ee Dhadhaab ayaa Hooyo Soomaaliyeed ka codsatay inay usoo yaboohiso gabadh yar oo ay weydey,raadkii ay Islii (xaafada dadka afsoomaaliga ku hadlaa degaan) ka qabsatay wuxuu la galay Huteel Soomaliyeed oo markii hore aanay ogeyn waxa gudihiisa ka socda.

Inantan Suxufiyadda ahi si ay xog u hesho waxay ku calaacashay Maamulihii Huteelka iyadoo ka baridey in shaqo laga siiyo iyadoo ugu cabatay inaan reerkeedu haysan waxay ku noolaadaan.Shaqada la siiyey waxay noqotay mid la mid ah shaqada ay gabdhaha kale siiyaan ee ka ganacsiga jidhkooda,iyagoo Raga macaamiishooda ah ka qaada lacag badan oo u dhaxaysa 10,000-20,000 Shilinka Keenya oo u dhiganta ilaa £100-£200 iyagoo gabdhaha siiya 200 Shilinka Keenya ah oo keliya una dhiganta £1-£2.

Faadumo Nuur waxay kaloo gashay arimo kuwaa iyo kuwo ka daran ah oo ay xitaa Somaliland Caasimadeeda ku tagtay iyadoo  xog kasoo qaadaysey Alshabaab oo ay gaadhi u raacday ilaa Koonfurta Soomaaliya.Waa qaybtii 2aad ee waraysigii ay siisay Jeff Koinange oo ah Weriye ka tirsan K24 TV.

Hadaad damacdid inaad daawato qaybaha kale,waxaad riixdaa fiidyowga girgirkiisa hoose ee midigta meesha ay ku qorantahay Youtube.

bashirtarabi@saraarmedia.com

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media