Caynaba(SaraarMedia)-Maamulaha Guud ee Shirkada telesom ee Gobolka Saraar Mudane Shiikh Maxamed Shire Dakhare ayaa Deeq lacageed oo dhan $2000 Ku wareejiyey Gudoomiyaha Gobolka Saraar Mudane Ibraahim Xaaji Xasan Cali.
Wuxuu isla goobtiiba Badhasaabku lacagtii kusii wareejiyey Gudoomiyaha Shirkada Timacade Mudane Eng Hurre Ciise Daan oo gacanta ku haya dhismaha cusub ee Xarunta Maamulka Gobolka Saraar,iyadoo lagu rajo weynyahay in lacagtaasi dhamaystiri doonto wixii qurxin ah ee dhismaha ka hadhsanaa iyo hadii ay suuro gasho Qalabaynta Xafiisyada Xarunta Gobolka.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inaanay markii ugu horeysey ee ay Shirkada Telesom Gacan ka geysato baahiyaha Gobolka aanay ahayn ee markastaba ay la garab taagantahay caawinta baahiyaha gobolka.
Maxamed A Dirir/Caynaba














Comments