Daawo-Usii daaya wuu Qabaa.Ajnebiga Qolodooda lama weydiiyo!

Daawo-Usii daaya wuu Qabaa.Ajnebiga Qolodooda lama weydiiyo!

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Gabiley(SaraarMedia)-Laba Todobaad ka hor ayaa reerka inanta dhalay dacwad ka dhan ah qoyskan u gudbiyeen Maxkamada Gabiley,Xaakimku wuxuu Go’aamiyey in aanu jirin qodob dastuurka ku qoran oo is hor taagi kara Guurkan diinta islaamka la isku mehersaday.

Dhibaato waxay u bilaabantay markii Qoyskan cusubi gurigoodii kusoo nowdeen,iyadoo Reerka gabadhu ka dhalatay balan qaadeen inay labadaba dili doonaan iyagoo sheegtay inay Qadhadhoonti aan Gabooyaha guursan yihiin.

Waxaa in badan la arkaa Hablo iyo Wiilal Qolada Afsoomaaliga ku hadasha ah oo guursanaya Ingiriis ama Jumaykaan,iyagoo markaad kala sheekaysato guurkooda shisheeye ku odhanaya wuu/way soo Muslintay/may iyagoo faan ka dhiganaya,bal hada aynu ka fekerno kan diinta ku dhashay ee Gabooyo.

Inta badan Gabooyaha Sharafta badan iyo Qabiilooyinka kale isma guursadaan iyadoo labada dhinacba dhibaato utimaado haday dhacdo inay is guursadaan,waxaase dhacda mararka qaarkood inay soo baxdo sheeko sida Ri’ Ido raac ah oo hadal badan iyo dhibaato badani ka dambeyso.

Waa sida odayga inanka u eedeerka ahi usheegay,hadaad Gun iyo Baar kala sheegataan,Geedka Guntaa haysa,xaajona Guntaa laga bilaabaa.Dib ufadhiiso oo ka feker.

bashirtarabi@saraarmedia.com

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media