Beesha Bariga Burco iyo meelo kaleba degta ayaa waxaa Geel ka dhacay Beesha degta Laascaanood,Geelii la dhacay waa laga daba tegey oo waa lasoo dhiciyey waxayna ka dileen 33 Nin, intii dagaalku socdey Ragii Reer Laascaanood qaar aan dagaalkaba sugin ayaa Geelii qayb ka mid ah la tegey,Abwaanku guul uma qaadan oo gabay kan ka horeeyey waxaa ka mid ahaa “Inkastoo ragoodii ku lumay raacday libintiiye iyo Miyaydaan rogeyn ceebta waa la iska riixaaye”.
Dabadeed waxaa lagu galay Xergega iyagoo soo dhacay geel 10,000 oo halaad gaadhayey,waxaana ka baxay magaca taariikhiga ah ee Magtii ama Gu’gii Qara Weyne ee Ingiriisku ku ganaaxey Guyaashii horaantii Kontomeeyadii,abwaanku isagoo guushii Xergega ku naaloonaya wuxuu yidhi;
Ma dhamma Gabaygu.
Laba qolo hadday muranto oo maadi kala gaadho
Maroorkiyo qalloociyo hadduu maaggu demi waayo
Hadba kooda muruquun lehbuu Magacu raacaaye.
Maambaa u yaal Muuse Sheekh meelu joogaba’e
Lama mahadin nimankii la dhigay madaxa yaaheele
Malyuumaad u dhimay awadood oo muranla’ weeyaane
Maqnaan waa qabiilkii lahaa, Muuse iyo Nuure
Maadhiin Afdiinle iyo shanlaa midigta loo diiday
Shekadaha intoo loo marshoo laysu wada meershey
Milateri raggii wada galoo muunadlaa sidaye
Iyo qaarkaloo maagsinaan midi ka saydhayne
Ku muddayney guluf miidhan iyo qaar habeen mira’e
Ku mar celinnay duullaanka waysugu masayrnaaye
Ku mayuugnay midig laabanbay, libi ka meertaaye
Maaxsiinnay guutada mudhiyo geesi maahirahe
Ka mabsuudnay goortii sidii maadha loo wadhaye
Seyid Maxamed baa nagu ogaa maagsin dirireede
Dadkii noo mashiiqsanahayiyo malihi beenoowye
Iska maydhnay ceebtii haddana sida mandheereede
Maxamuud Garaadbaa ku dhacay maarsaduu shidaye
Sanad qudha markay muudsadeen muriyo deebaaqda
Miyirsade kuwii dhiiggayaga malab u saarraaye
Haddaa loo muctaadyahay nabaddii layska maanacaye
Si aad Gabayga u fahantaan waxaa sheekada ka horaysa idiin Tifaf Tiray Bashiir Tarabi.
Edited by BT
Source; Hoyga Suugaanta













