London(SaraarMedia)-Heestan qiimaha badan waxaa isku mashquuliyey oo ay maskaxdiisa kasoo maaxatey Dhaqaaleyahanka Siyaasiga u xuub siibtey Abwaan Jamaal Cali Xuseen,waxaa Laxanka saaray isla markaana codkiisa macaan howl yaraan inagusoo gaadhsiinaya fanaanka qalbiga xorta ah leh,waa C/Kariin X Xuseen (Cabdi Diini) mahadi ha ka gaadho.Waxaa Soosaarista,Muusiga iyo Duubista isugu daray Axmed Nuur.Dhuuxa oo ku Raaxaysta.
Dunidan Xaqu dirirkoow,Somaliland dadkeeda,
Lagu daaqo nabad wacan,miyaydaan dareemeyn,
Calankooda dul sudhan,miyeydaan dareemayn,
Doorashada xoriyada ah,miyaydaan dareemeyn,
Deganida dalkooda,miyaydaan dareemeyn,
Somaliland dadkeeda,dadaaloo la duudsiyey,
Aqoonsiga dowladnimo,waa inloogu dadaalaa.
Somaliland,Somaliland,Somaliland.
*** *** *** *** *** *** ***
Dunidan xumaan diidkoow,Somaliland dadkeeda,
Ka bogsadey dagaalada,miyeydaan dareemeyn,
Dibudhiskay sameeyeen,miyaydaan dareemeyn,
Danyartaa daciifka ah,miyeydaan dareemeyn,
Dalabkooda umadeed,miyaydaan dareemeyn,
Somaliland dadkeeda,adaaloo la duudsiyey,
Aqoonsiga dowladnimo,waa inloogu dadaalaa.
Somaliland,Somaliland,Somaliland.
bashirtarabi@saraarmedia.com













