Video + Sawiro: Xuska 18 May oo Laga Xusay Magaalada Qaahira (Egypt)

Qahira (Saraar Media) Xaflad si heer sare ah  loo soo agaasimay  oo loogu dabaal degayo 21 guuradii ka soo wareegtay gooni isutaaga Jahuuriyada Somaliland,  taas oo lagaga dhawaaqay Caasimada labaad  dalka  Somaliland Burco.Xafladan maalmihii ugu danbeeyay  laga dareemay  dhaqdhaqaaqeeda Magaalo Madaxda dalka  Masar ee Qaahira ahaydna  markii labaad ee taarikhda laga xuso  xaflada 18 May  dalka Masar; madasha xaflada lagu  qabanayay oo aad u qurux badnayd iyo bilicsanaanta  dadwaynaha  kasoo qayb galay xaflada  waxay ahayd mid indhaha qofkasta oo meesha jooga shacuurtiisa waddaniyadeed kor uqaaday isla markaana qof waliba dareemayay sidii uu dalkeenii hooyo kaga qayb galayo xaflada 18 May.

Hadaba bilawgii xaflada  Ayaadaha Quraanka ah ee furitaanka kadib  waxaa  kalmad lagu soo dhaweeyey  Gudoomiyaha Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Masar Jaamac Cali Ducaale.

Gud.  Ururka Ardayda S/L Jaamac Cali Ducaale

Gudoomiyuhu waxa uu mahadnaq balaadhan u jeediyay ka soo qayb galayaashii xaflada sidoo kalena waxaaa uu  u mahadnaqay cidkasta oo gacan kasiisay qabanqaabadii xaflada,intaa kadib waxa uu gudoomiyuhu  isaga oo ka faa’iidaysanaya munaasibada qaaliga ah ee  18 May   uu Hambalyo u diray shacabwaynaha Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba;sidoo kalena waxaa uu  ka sheekeyay xusuusta iyo qiimaha gaarka ah ee ay inoo leedahay xuska maalinta  18 May  iyo in dib loo milicsado midhaha iyo aayatiinka fiican ee aynu ka dhaxalnay  sida nabad galyada aynu shacab iyo dawladba ku naaloonayno iyo hanaanka iyo hab socodka  dimuqaraadiyadeed ee  dalkeenu  kaga.

masar-1

Picture 1 of 8

fiicnaaday ugana dhex muuqday sida  cadceed soo baxaysa  qaarada Afrika ee aynu ka midkanahay.

Waxaa isagana Makrafoonka lagu soo dhaweeyay  Aqoonyahaha Cabdilaahi Nuur Xasan (Dahabshiil) oo isaguna si qoto dheer uga  waramay  marxaladihii kala duwanaa ee ay Jamhuuriayada Somaliland soo martay iyo hada xaalada  dalka  ku suganyahay.

Dhinaca kale waxaa uu  aqoonyahanku kula dar daarmay  shacab waynaha Somaliland  in la  ixtiraamo Dastuurka aynu dhiganay  lana ilaaaliyo cadaalada  shacabka.

Waxaa  sidoo kale cod baahiyaha lagu soo  dhaweeyay  Gudomiyaha Naadiga  Ardayda Soomaliyeed  Ibrahim  Xasan  Ismaaciil       oo   isaguna  ka  sheekeyay  taarikhda urur ka ardayda Somaliyeed oo ah mid  kulmiya  shanta Somaliyeed  waxaa la aas aasay 1955 kii ayuu yidhi  gudoomiyuhu,waxaanu  ugu danbayntii hadalkiisa ku soo afmeeray  inuu ku faraxsanyahay  ka soo qayb galka xaflada  kuna hambayeeyay  dad waynaha reer Somaliland

Gud.Ibrahim Aw Xasan

Waxaa  isaguna khadka  telifoonka  kaga qayb galay xaflada  Wasiirka Madaxtooyada Somaliland  Xirsi X.Cali  Xasan  oo  aad ugu mahadnaqay  jaaliyada iyo ardayda reer  Somaliland ee Dalka  Masar  isda  ay isugu duubanyihiin una  ilaaliyaaan  karaamada  iyo sharafta   Somaliland

Intaa  kadib waxaa  loo wareegay qaybtii  murtida iyo  madadaaladda  taaas  dadwaynihii ka soo qayb galay xafladu siwayn ula dhaceen  waxa hogoomiynayay isku soo duba riday  Qoraaga da’da yare ee Axmed-Deeq, taaso ay madashii  is qabsadeen sacabka iyo mashxaradu Ciyaarihii hidaha iyo dhaqankana lagu soo bandhigay

Guntii iyo gabo gabadii waxay  ahayd  Xaflad  aan marnaba ka maydhmi doonin  maanka iyo maskaxda  dadwaynihii ka soo qayb galay,siwayna ukicisay shucuurta dadka  iyo dareenkooda muwaadinimoba.

 

 

C/casiis Xandule

Qaahira Saraar Media

 

 

 

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media