Sawiro: Xuska 18 May oo Si weyn Looga Xusay Magaalda Washingon DC. USA

Washington Dc (Saraar Medea) Banaan bixii ugu weynaa ee loo qabto xuska maalinta 18 ka May wadanka mareykanka ayaa maanta ka dhacay  magaaladda Washington, DC,  halkaas lagu soo bandhigey dhoolatus lagu taageerayo qadiyada, Somaliland, dadka ka soo qayb galay xafladan ayaa iyagu iskaga yimi gobolada wadanka USA oo dhan.

Dadkan ayaa waxa ay banaan bax la hor tageen Aqalka  State Department-ka oo ah Aqalka looga taliyo wasaarada arimaha dibadda ee wadankan maraykanka.

Ugu horayntii waxay muujiyeen astaanta somaliland, sida calanka, iyo T -shirts iyo calaamado fara badan, oo ay ku qornaayen, arimo soo jiitay mushtamacii halkaas joogay. Eroyadaa waxaa ka mid ahaa: ”Somaliland Icon Of Peace And Democracy. Somaliland Shall Be Recognized, iyo Eryo kale oo ay ku dhawaaqayeen dadwaynahaasi.

Waxaa Goobtaas iyada ahayd yimi oo Qaabilay dadkaas Sarkaal Sare oo ka Tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee Maraykanka. Waxaa uu halkaas ka yidhi: “Aqoon wayn ayaan u leeyahay Somaliland, waanan ku hamblaynayaa dedaalka dheeraadka ah ay la timid, fariintana waan u gudbinayaa madaxda sare ee Wasaarada Arimaha Dibada, gaar ahaan Secretary of State, Ms Hilary Clinton.”

Xuska 18 May Washington DC

Picture 1 of 10

 

Anaga oo ah Cumar Axmed Xasan Iyo Mujaahid Suufi, waxaanu halkan uga mahadcelinayaa dadwaynihii sharafta lahaa ee nagala soo qayb-galay dhoolatuskan caalamiga ahaa ee aanu soo diyaarinay, sidaad wadankiina wakhtiigana ugu hurteen Ilaahay wax khayr qaba haydiinku bedelo. Somaliland na ha guulaysato. Aamiin.

Shacabka Somaliland na waxaanu leenahay gacmaha isqabsada, midnimada iyo nabadgalyadiinana ilaashada mar walba.

 

 

Cumar Axmad Xasan & Majaahid Suufi

Washington, DC, USA

omerhssn@yahoo.com

mubarigsuufi@yahoo.com

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media