London (Saraar Meida) Waxaa magaalada London lagu qabtay xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dad fara badan oo ku xardhanaa sadexda midab ee uu ka kooban yahay calanka Somaliland, waxa kale oo ay qaar kood siteen calanka Somaliland.
Xafladan oo ahayd xaflada kaliya ee sanadkan lagu qabtey magaalada London ayaa waxa ka soo qayb galay madax kala duwan sida Gud. Wakaalada Qurba jooga Abdirahman Ubaxle , Safiirka u fadhiya Somaliland UK Ali Adan Awale oo halkaas ka jeediyey qudbadiisii ugu horeysay intii xilka loo dhiibay, Xildhibaano, iyo qaar ka tirsan Ururada Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan UK.
Waxaa kaloo ka soo qayb galay fanaaniin badan oo ay ka mid ahaayeen, cabdi futaax yare, faysal dajiya, Farah buluq baash iyo Amina Afrique oo ah fanaanada caanka ah ee reer Djabouti.
Dadka ka so qayb galay waxaa ka muuq day farxad iyo reyn reyn waxa ay isugu hambalyeynayeen sanad guuro wacan.
Halkan hoose ka daawo Sawirada
Cabdinaasir Cisman (Caynaawi)
caynaawi@saraarmedia.com
London/ UK














