Ardayda reer Burco waxay kayaryihiin kuwa Nuuradiin!Agaasimaha Imtixaanaadka.cay badheedhe ah.

Burco(SaraarMedia)-Waxaa shalay  socdaal shaqo ah kusoo maray Gobolka Saaxil iyo Togdheer wefti ay horkacaysey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaana la socdey madax kale oo Wasaarada ka tirsan oo uu kamid yahay Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Mudane Daa’uud Axmed (Gadhweyne).

Wefdigu markii ay soo gaadheen Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer waxay kormeer kusoo mareen Qaar ka mid ah Iskuulada magaalada,siyadoo ujeedadooda ugu weyni  ahayd inay hubiyaan habsami usocodka imtixaanaadka oo hada ay ufadhiisteen ardaydu,waxaa kaloo lasoo cadeeyey in imtixaanaadkii fasalka labaad ee dugsiyada sare lagu kala iibsanayey dhamaan Gobolada dalka marka laga reebo Gobolka Maroodi jeex.

Arintani ma aha mid ugub ah,waa ku celis wixii dhacay sanadkii hore oo aan cashar laga baran,waxayna ku tusaysaa dayacnaanta iyo xirfad darada ka jirta Wasaarada,shacabka reer Somaliland cidkale oo ay masuuliyadeeda uraacanayaan majirto marka laga reebo Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Mudane Gadhweyne,fadeexadeeduna waxay ku dhamaanaysaa Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam.

Hadaba shalay mar uu Agaasimuhu la kulmay saxaafada wuxuu weriyuhu weydiiyey waxa aanay ardayda reer Burco u helin saamiga deeqda waxbarasho ee Wasaaradu bixiso,si degdeg iyo cadho leh ayuu uga  jawaabey isagoo yidhi”ardayda iskuulada Burco dhigata waxaa ka badan kuwa Iskuulka gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin oo ku yaal magaalada Hargesa”.

Iskuulka Nuuradiin wuxuu ka koobanyahay laba dugsi Sare iyo sadex Hoose/Dhexe tirada ardaydiisuna waa lix iyo toban kun iyo shan boqol ilaa shan iyo sagaashankii oo la bilaabay ardayda ka baxday waa afar kun iyo shan boqol sida uu ku sheegay waraysi uu siiyey Jariidada Suxufi bil ka hor aasaasaha iyo maamulaha guud ee Iskuulkaasi Mudane Mahad Nuuradiin.

Iyadoo aanay naga ahayn Diyaarada Xabashidu haday Hargaysa rushaysay maxay anagana noo rushayn weydey,waxaanu u aragnaa Cay Badheedhe ah.

Burco laba Dugsi sare loogumasoo hal qabsan karo sida iskuulka Nuuradiin ee waxay leedahay laba Jaamacadood,diiwaanka ardaydana adaa haya.Hore waa looga hadlay inaanay Burco helin qaybteedii Deeqaha Waxbarasho (mar aad ka hadashaan tirada dugsiyada Sare ama Tayada ee Gobol leeyahay)iminkana waanu ku celinaynaa,wax lagu coloobo oo tacliinta ka mudani ma jirto oo waakii Nelson Mondeela yidhi”Waxbarashadu waa tan wiilkii aabihii beerta fali jirey dalacsiisee ka dhigta maamulaha beerta iyo wasiirka Beeraha”.umadkasta,magaalo kasta iyo qoyskasta horumarkeedu wuxuu ku xidhan yahay waxbarashada.

bashirtarabi@saraarmedia

 

 

 

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media