London(SaraarMedia)Qiimaha noloshaydu waxa weeyaan inaan dadkayga iyo dhulkayga Aabe ushaqeeyo,ayuu ka dhex yidhi meel weyn oo dadku ka buuxeen kadib markuu dhaartay.Waxaan doonayaa inaynu ku noolaano inagoo ku noolaan doona wadan dimuqraadi ah,wadan dadku xor yahay,qofkastaana uu xor yahay,fursadna u helo inuu hibada Eebe siiyey xoogiisa iyo kartidiisa wax ku helo.Waxaynu rabnaa inaynu ku noolaano inagoo ku noolaandoona Raashiya oo guulaysatey oo aduunku u ixtiraamo sida wadan la aamini karo,furfuran,daacad ah oo laysku halaynkaro.ayuu yidhi Mr Putin.
Vladimir Putin markuu kusoo socdey guriga madaxtooyada(Kirimilin) ee Raashiya Loomasiinkiisa wacaa hareero socdey dhugdhugleeyo qurux badan waxaana loo wada xidhay dhamaan wadooyinka badhtamaha Moskow isagoo qorshihiisu ahaa inuu ka qaybgalo xaflad aad u quruxbadnayd oo halkaa ka socotey,wixii ka baxsan badhtamaha Moosko waxaa ka socdey waxaad moodaysid hawgal Mileteri waxaana la xidhxidhay ilaa boqol qof oo ka mudaaaharaadaayey Moosko.
Maalin qudhaa kasoo wareegtey markay mudaaharaadyadii isu rogeen rabshado ee boqolaalka qof la xidhxidhay,Bilaysku aad bay ufoojignaayeen markan wadooyinkoo dhan iyo guriga madaxtooyada hareerihiisana way xidheen,dabadeed wadooyin cidlo ah ayaa gaadhiga Putin sidey marayey.
Markuu soo gaadhey madaxtooyada,isagoo garbaha kala saraysiinaya ayuu soo dhexmaray dhowr albaab oo dahab ah wuxuuna ku dul socdey karbed cas,wuxuu soo gaadhay qaybtii ugu quruxda badnayd guriga,gacan qudha intuu saaray buug uu ku qoranyahay dastuurka wadanku ayuu noqday Madaxweynaha Raashiya lixda sanadood ee soo socda.
Hadal kooban oo uu jeediyey dhaarta ka dib Mr Putin wuxuu ka codsaday dadkiisa midnimo,wuxuuna yidhi waynu gaadheynaa himilooyinkeena hadaynu mid ahaano oo isku duubni dhab ah la nimaadno.Mr Putin oo hore usoo noqday Madaxweynaha Raashiya sanadkii labada kun oo iminkana dib ugu soo noqday isagoo afartii sanadood ee ugu dambeeyey ahaa Raysalwasaaraha Raashiya saaxiibkiina si maxlal ah afartaa sanadood ugu dhiibay Madaxweynenimada ayaa dad badani aaminsanaayeen inuu ahaa ninka ugu awooda badan Raashiya xitaa markuu Raysalwasaaraha ahaa.
Mr Putin dalkiisa waxbadan ayuu u qabtay wakhti adagna wuu kasoo saaray waxuuse garan la’yahay inay jiraan Raashiyaan badan oo shaqo wanaagsan uqabankara dalkooda Aabe.
Bashirtarabi@saraarmedia.com
Q



















Comments