Aniga Oo Ah Sidiiq Sh Farah Gabaar Waxaan Jeclaystay Inaan idiin Soo Gudbiyo gabayada Iyo suuganta Abwaan C/Laahi Mahamed Dabey(Xigmaawi)Oo Ku Nool dalka Austerlia.hadaba la socon Waa Suugaan Aad U qiimabadan Oo xambaarsan Cilmi Iyo Aqoonbadan.Abwaanku Tixdan Waxa Uu Tiriyay Mudo Hore Markaanse Akhriayay Anaa jeclaystay Inaan Dadkana u Soo Gudbiyo Maansha Allahu.Waa Abwaan Aad Iyo Aad U Midha waawayn Bal nala dhuux.
Tixdan oo lamagac baxday Xadiisiya,soo baxday 24March 06
Waxay ka hadlaysaa oo nuxurkeedu yahay xaqiiqada dhabta ah, ee qofka bani’aadamka ah loo sameeyey inuu fuliyo,iyoweliba sarcaadka dhalanteed ee dunida oo laynoo sheegay in lagu lumayo hadii aan laraacin tawxiidka ilaahay. Curiyaha tixdani waa Abdullahi Mohamed Dabey
Xadiisiya 24/March/ 06
Xaadariyo wacdiga aan marshoo idin Xadraysiiyo.
Xabadkiyo qalbiga maw furtaan Xusuusin weeyaane.
Idinkoon Xergega iila kicin iga Xadiis qaata.
Xaluun baan baraarugay, saq dhexe oon Xafiil tamaye.
Xaggan iyo Xaggaan deyey intaan soo Xankaafsadaye
Xigmadiyo naxwihii aan lakacay laabta Xadantaysay.
Xoodaamadiisii hurdada u Xigsimoon waayay.
Xidigaha kor maw deyey intaan samada Xuuraamay.
Dayaxoo intuu Xuub dhacsaday Xaraarimaha jooga.
Oo Xaadda caadkii dhexgalay, Xagali soojeeddo.
Ximre iyo Lixlena uu fadhiyey, gurey Xarriiqdiisa.
Xaamxaamay nawriish halkuu tegey Xaggaagiiye
Xilli sulufka waa guuri jirey, Xayska dabadiiye.
Caawana Xayaabkuu gogladay Laxaha Xayn daabye.
Xiddigtii dagaariyo mariiq,laysku Xarakeeye.
Xidin xiidku dhiiloow sidii, Xuur wedkeed galaye.
Adduunyadan Galbeed laga xukumo, Bari la xaasaamay
Diintayda lagu Ximinayee lagu Xaduuraayo.
Ee Xaramka lagu duulayee, Xorodku qiiqaayo.
Xijigii islaamkana la rabin,laga Xanaaqaayo.
Ee Xoosh cadkii gaal kibree Xoofto nagu haysto
Nebigay Xaqirayaan runtay Daah ku Xidhayaane
Xaqiiqada inay diiddan yiin, waa Xadiisiya’e.
Xayadiyo anshaxa way dhigeen mana Xishoodaane.
Innagaa Xadkii gudubnayoo,Nimid Xaggoodiiye.
Inta xaasas iyo qoys burburay,Xaabo lagu daaray.
Inta xilla janniyo wiilkii qabay la isu Xaaraanshey.
Inta Xuural cayn iyo barbaar, Xerada weydaartay.
Xayaataddiyo nolloshii kadhacay, Xadhigga loogooyey.
Xiska maanku doorsoon yahee. Xashiishaddii haysta.
Ninka weli u soo Xiimayaa, waa Xogmoog yahaye.
Dadkii Xaal mastuur bay noqdeen dhoofna lagu Xiiqye
HaddaynaanXanta usheeginoo,Xeebta laga joojin.
Xammaamada haddaynaan ka guran, dib u xawaareynin.
Miyeynaan Xadiis iyo kitaab Xoorin labadiiba.
Xaadariyo wacdiga aan marshoo idin Xadraysiiyo.
Xabadkiyo qalbiga maw furtaan Xusuusin weeyaane.
Idinkoon Xergega iila kicin iga Xadiis qaata.
Xiisaha adduun waa intii, xayga aad tahaye.
Xusulkaaga qabri aan ladhigin,lagu Xabaal gayne.
Xarakaadka duniyeed waxaad nolosha Xawlxawshid.
Xuukiyo waxaad Xoor dhantaba way isa soo Xidhiye.
Xalquuqdiyo ladnidu waa intaad, Xaraar ujiiftaaye.
Xarragiyo wanaag waa intaad, Xoog finiin tahaye.
Xawayaanka iyo aadamuhu, waa Xaddidanyiine.
Xatab aan dhacayn iyo ma nihin, sida Xadiidkaase.
Adigoon Xanuun jiifinoo, Xubin ka taahaynin.
Caafimaad Xaflaynaaya oo , dunida Xawxawleh.
Xummad yaroo jidhkaagaa gashaa, Xaraq ku gaadhsiisa.
Naftaa laga Xayuubshaa qofkaan, Xaab danbe u hadhine.
Xaq weeyaane geeridu, haddii neeftu kaa Xidhanto.
Xorfod lagugu aasiyo haddii Xanan laguu qaado.
Mar hadday Xafaar kuu qodaan, lagugu soo Xoomo.
Oo iilka ay kuu Xordaan,hogga laguu Xaadho.
Oo dhoobaday kuu Xashaan lagu Xabaadhsiiyo
Oo duco laguu Xaawiloo ajar lagaa Xaabsho.
Mar hadday ammaan kugu Xusaan, lagu xayaysiiyo.
Waad Xijaabatoo maalintaa mawdku ku Xanbaarye.
Xaadariyo wacdiga aan marshoo idin Xadraysiiyo.
Xabadkiyo qalbiga maw furtaan Xusuusin weeyaane.
Idinkoon Xergega iila kicin iga Xadiis qaata.
Xifaalihii qabiil iyo ka timid, Xin iyo qooqiiye.
Xabiibkii tolliimadu ma jiro, Gacal Xubeyrkiiye.
Xaashee inaan aabbahaa,kuu Xaskuladaynin.
Oon Xaydarkii kula dhashiyo. Hooyo ku Xanjeertay.
Xilahaagu kuma raaci karo Xamasta qoyskaagu.
Xidid kuu hamranayaa ma jiro, Adigoo Xuurtoobay
Qofkastaaba tiisaa Xoglanoo la isma Xaaleeyo.
Xoolo iyo maal waxaad lahayd, qayd ka soo Xidhatay.
Adigiyo Xabaashaa isku hadha, Xawlka aakhiro’e.
Xariif iyo haddii aad ahayd,Xarruuri beel deeqa.
Xagtimaha tolkii kala qabaan, u Xiddigaynaaya.
Xirsi jowska qoortaw gashaday,Belo Xijaabkeeda.
Xashxash iyo aftahan aad ahayd, Xarafba seegaynin.
Xildhibaan la doortiyo ahayd, Xaaji laga yaabay.
Xurguf iyo markay godobi timid, Fule is Xaydxaydo.
Dhiillada Xigaal taagan tahay,Xanaf kuleylkeedu.
Oon Xeer la kala qaadanayn,Xaal la kala diiday.
Xarbi iyo dareenkii la qabo, Xumuhu saansaamo.
Xabbaddu dhuunta qorigaw fadhido, Xaaladdu adkaatay.
Xinjir qubata mooyee wanaag lagu Xajiimooday.
Xasilloonidii durugsan tahay, noqotay Xaasaasi.
Xanaan iyo wanaag maalintaa,Xal iyo waan waantu.
Xaskaiyo muskay kaa gashaba,daba Xuluulaysid.
Xaradhaanka qaylada waxaad, dhab u Xabeeboowdey.
Xul waxagarada soo ururisid,iyo Xiniin dhaafba.
Gadh Xinnaystayaal iyo duqay, gogol uxaadh Xaadhay.
Xeerbeegtidii la igmadoo, tab iyo Xeesheeda.
Xubbi iyo kalgacal laysu reen,dhaarla Xagafsiiyo.
Xuunsho iyo ubadkeed lanoqay, la isu soo Xeebay.
Oo Xiisad nabadeed la dhali,Xamdi mahad weeye.
Xamxamtiyo naruuradu durtaba Xaafadaha gaadhay.
Oo Xiinka dayrtii onkoday,Xareedu mullacyeysay.
Xamashkii tigaaddiyo nimcada,Xidhuhu laacaayo.
Xaadariyo wacdiga aan marshoo idin Xadraysiiyo.
Xabadkiyo qalbiga maw furtaan Xusuusin weeyaane.
Idinkoon Xergega iila kicin iga Xadiis qaata.
Xagga Eebbe wixii aad la timid, waadku Xaal mudane.
Markuu malag xisaabtaada siday xaajo kula yeesho.
Xujadiyo su’aalaha haddii aad xutubin weydid
Xidhiidhkii adiyo Eebahaa, Xadhigga tawxiidka.
Xirfadaadii cibaadada la baadh, Xillashadaadiiye.
Xaafidal qur’aan maad ahayn, Xerow kitaabeeya.
Xusbullaahi iyo maad ahayn, awliyada Xooggan.
Xurma daran adduunyadda, haddaad ku Xashiraadaysay.
Xaaraan wixii kaa ahaa kuu, Xalaal noqotay.
Xil wixii kusarraa haddaad, Xaawin kari weyday.
Xajka gudashadiisii hadduu Xuudku kaa gedefay.
Nafta inaad Xilqaataa hadday, kula Xadhaadhaatay.
Xasnaadkii aad gaysatiyo,Xumihii aad yeeshay.
Xashar iyadoo aanuu maqnayn, waad u Xaadiriye.
Miisaanku Xagga uu u dhaco,Xukun laguu saarye.
Walaa Xawla camalkaad la timid, Xaashad noqon waaye.
Xarka iyo aboorkaa ku cuni, Xagan lafaha duudka.
Xididadiyo nudahay ku jari, Xawlalada hoose.
Xataa aanad dhinac uga durkayn Xeexna odhan maysid.
Xaamiinta ruuxii xifdiyey,Naarta ka xoroowye.
Xabuubkii fardawsiyo nimcada, lagu Xushmaysiiye.
Nin xariira mooyee jannada, xaasid geli waaye.
Xayun baaqii waa Eebeheen, waa xadiisiya’e.
Xigto iyo inaanuu ubad lahayn, waa Xadiisiya’e.
Axad aan isagu baahan yahay, waa Xadiisiya’e.
Xukun iyo markay derejo tahay, Xaakimnimadiisa.
Xaqgarsoorka inuu caaddil yahay, waa Xadiisiya’e.
Inaan dunida lagu Xaasilayn, waa Xadiisiya’e.
Xaawa iyo nebbi Aadam baa galab Xawaareeyey.
Xulafiyo wixii qoon rogmaday saacad lagu Xaaqay.
Xaaraamiyiintii markii naarta lagu Xoorey.
Xasuuqii fircoon iyo namruud,waa Xadiisiya’e.
Xasadkii abii Lahab, halligan waa Xadiisiya’e.
Xuddamaa ilaahay ku riday waa Xadiisiya’e.
Abwaan Abdullahi Mohamed Dabey(Xigmaawi)











Comments