London(SaraarMedia)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo ayaa shalayto umagacaabay Gudoomiyaha gobolka Salal mudane Nuur Cismaan Guuleed kadib markuu isla xilkaas ka qaaday Gudoomiyihii hore mudane Maxamed Muuse Bucul.
Arintan ayaa ka dembeysey ka dib markii laba wufuudood oo ka yimid wadanka Jabuuti xadka udhexeeya Jabuuti iyo Somaliland laga celiyey,iyadoo labada wefdi ay kala hogaaminayeen laba masuul oo culus oo dawlada Jabuuti ka tirsan,waxayna usocdeen hawlo horumarineed oo ay ka bilaabi lahaayeen Gobolka Salal.
Labadan masuul oo midkood ay walaalo yihiin Madaxweynaha wadanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele isla markaana ah madaxa Dekeda Jabuuti Mudane Sacad Cumar Geele iyo mudanaha kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada ee Jabuuti laakiinse dhalasho ahaan kasoo jeeda Gobolka Awdal ee Somaliland.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Salal Mudane Maxamed Muuse ayaa xaqiijiyey inuu Wasiirkaa amar uu faray Bilayska xuduuda lagu celiyey.waxaa iyana soo baxday in si aargoosi ah Taliyaha Bilayska ee Gobolka Salal oo reer ahaan kasoo jeeda Gobolka Awdal uu isna amar ku bixiyey in dib loo celiyo Maamulaha Dekeda Jabuuti oo ay isku reer yihiin Gudoomiyaha Gobolka Selel.
Arintani waxay keentay inuu isla maalintiiba Wasiirka arimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Duur uu si halhaleela ugu duulo Wadanka Jabuuti isagoo xog dheeri ah iyo dabagal arintaa ah ka dalbaday dawlada Jabuuti iyo wakiilka Somaliland ujooga wadanka Jabuuti.
Warar ku dhowdhow madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in Wasiir Duur garnaqsi uu la sameeyey Dawlada Jabuuti iyo xuuraan badan ka dib uu khadka telefoonka ugu soo gudbiyey Madaxweynaha Somaliland wixii xog ah ee uu helay,tanina tahay ta keentay go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo shaqada kaga eryey Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudane Maxamed Bucul.
Fadeexadan dublamaasiyadeed ee amar kutaaglaynta ahi waxay fashilisay warar hore usheegayey loolan awoodeed oo gobolka Selel ka dhextaagan reer Boorame iyo reer Saylac.
bashirtarabi@saraarmedia.com













