SaraarMedia(Hargeysa)Amar kasoo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha ayay maanta Bilayska magaalada Hargeysi ku xidheen laba Gudoomiye oo ka mid ah sagaalkii Urur ee lagaga cudud roonaaday tartankii ururada siyaasada.
Gudoomiyaha ururka NDB Foosiya X Aadan iyo Axmed Sardoon oo ah gudoomiyaha Ururka Jamhuuriga iyo weliba madax kale oo ka mid ah Ururka NDB ayaa xabsiga loo kexeeyey kadib markii ay isugu yeedheen iyaga taageerayaashoodu inay mudaaharaad si nabada udhaca ka dhigaan caasimada hargeysa.
Bilayska magaalada Hargeysa oo bayr iyo baqdin weyn qaba isusoo bax kasta oo wax lagu diidanyahay ayaa si adag uga jawaabay arintaas,iyagoo madaxdii Ururada xabsiga dhigay dadweynihiina ku kala dareeriyey indho cadho leh.
Dhinaca kale ciidanka Bilayska ee sida gaarka utababaran RRU iyoSPU ayaa lagu daadiyey khayriyadaha magaalooyinka Burco iyo Berbera,iyadoo Bilaysku soo xuuraameen in Gudoomiye Dhego weyne oo qorshaha kula jirey labadaa urur ee kale uu isaguna mudaaharaad damacsanyahay oo uu shalay sii sheegay isagoo rajeynayey inuu taageerayaasha ugu badan ku leeyahay labadan magaalo.
Waxaa warar lagu kalsoonyahay sheegayaan in markay Bilaysku fashiliyeen xalay qorshihii Dhegoweyne ee Burco uu isla maanta magaalada Berbera magangelyo ugalay isagoo kasoo cararay caasimada labaad ee Burco.waxayna wararku intaa ku darayaan in ayaamahanba ay Bilayska iyo Gudoomiye Dhegoweyne ciyaarayeen dhuumaalaysi uu midba ka kale isha ku hayey.













