SaraarMedia(London)Gabadhan cilmiga ilkaha baratay oo 34 jir ah magaceedana layidhaahdo Anna Mackowiack ayaa saaxiibkeed Ilkihiisii oo dhan kasaartay mar uu ugu yimid inay ka daweyso ilig canuunayey.
Markii uu iisoo galay qorshahaygu wuxuu ahaa inaan daweeyo,laakiin markaan arkay ninkii naagta kale iga raacay oo ihoos jiifa ayaan masayr jiq noqday,dabadeedna waxaan siiyey dawo jidhkiisa ku khasbaysa inaanu waxba ogaan,mid mid baan uga siibey ilkihiisii ilaa aan waayey wax birta aan afkiisa gelinayey ka sanqadhiya.gadhkiisa,daamankiisa iyo madaxiisaba waxaan ku duubay maro cad afkana waxaan uga buuxiyey cudbi.debeda ayaan usaaray oo waxaan kula taliyey inuu dhakhtar takhasus gaara uleh ilkaha uu utago,ayay tidhi dhakhtarada Anna.
Gabadhan oo ka shaqaysa wadanka Poland asalkeeduna Ingiriis yahay ayaa ka muraara dilaacday sida uu ugaga baxay qorshaheedii.waxayna kaliiftey inay dembi weyn oo ah kalsoonidii ka dhexeysey dhakhtarka iyo qofka xanuunsanaya ay meel xun kaga dhacdo,arintan oo ku keentay inay ilaa sadex sanadood jeelka ka jiiqlayso.
Waxaa kasii daran Marek Olszewisk oo 46 jir ah markuu gurigiisii gaadhay ee uu muraayada isku eegay wuxuu ku dhuftay qaylo dheer wuxuuna soo xasuustay awoowgii iyo ayaamihii ugu dambeysey noloshiisa.
Waxaa iyana murugo leh Mr Olszewisk oo labadii gabdhoodba seegay,kadib markay tii dambena ka cadhootay waxa ugeeyey saaxiibadiisii hore,isla markaana ay foolxumada afkiisa eegi kari weydey.wuxuuse aad uga welwelsan yahay qiimaha ay ku kici doonto ilkaha uusoo iibsan doono.
Bashir Tarabi@saraarmedia.com












Comments