Mucaaridnimadu Yaanay Kaa Noqon, Mindi Goysa Muruqyada iyo Meel Halbawle ah

Mucaaridnimadu Yaanay Kaa Noqon, Mindi Goysa Muruqyada iyo Meel Halbawle ah

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Mushkiladaha Siyaasadeed,Dhaqaale iyo Horumarineed ee inta badan ragaadiya qaaradan aynu ka midka nahay ee “Africa” waxaa badanaa sabab u ah laba arimood: ta kowaad , waa awooda Xukun Kalitalis ah oo ku qabsada Afgambi Military iyo Qori-caaradii, taas oo u horseeda Dalka ay ka dhacdo Mustaqbal Madow. Waxaana tusaale inoogu filan 21 sanno ee Rajiimkii Siyaad Bare iyo mahadhooyinkii Shacabka Somaliland kasoomarey.

Ta labaad waxay tahay Quruumo Shicib iyo Madaxba go’aansadey inay qaataan Nidaam Dimoqoradiya oo ku dhisan habka Axsaabta badan iyo Doorasho Xor iyo Xalaal ah si looga bad-baado inuu yimaad xukun kaligiitalis ahi islamarkaana, horumar loogu talaabsado. Dimoqoraadiya marka la fasilayo waxaa lagu sheegaa ; NIDAAM AY SHACABKU ISKA LEEYIHIIN AWOODA U SAREYSA”.

Haddii nidaamkani si wanaagsan u dhaqan galo waxaa inta badan dhacda in ay timaad horumar dhinac walba leh , waase marka laga badbaado caqabadaha iyo mucaaridnimada nasakhan ee kasoo fusha shakhsiyaad marin-habowsan taas oo sabab u noqota in Muddo-xileedka Madaxweynaha la doortaa ku dhamaado isaga oo aan ka gun-gaadhin qorshayaashiisii u dejisnaa iyo balamihii uu ummadiisa u qaaday.

Haddii aan usoo noqdo Ujeedada aan fariintaydan ka leeyahay, marxaladan hadda Dalkeenan aynu wada jecelnahay marayo oo ay tahay in si wadajir ah danaheena qaran darifyada u wada qabano. waxaa hubaal ah oo aan la dafiri Karin mucjisooyinka qarankani soo marey oo ay ka mid tahay sida aynu u dhaqan galiney qabsoomida Doorashooyin Madaxtooyo , Baarlamaan iyo Dawlado hooseba, iyada oo Doorashadii Madaxtooyo ee u dambaysay dhacday June 2010 laguna doortay Madaxweynaha hadda Mudane Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo) Xaqiiqiyan, hadda waxaynu maraynaa meel lagu faano, loona baahan yahay in la isgarab taago Hogaanka dalka aynu u dooranay, waayo, mudadaa uu xilka hayey Hogaamiyaha Qaranku Axmed –Siilaanyo, wuxuu keenay oo uu layimid isbedelo waxqabad oo dhinac walba leh.

dhinaca kale , Madaxda Axsaabta Mucaaridka inay xukuumadda ku dhaliilaan wixii hawlo distooriya ee ay ka gaabisay xaqbay u leeyihiin iyaga oo u maraya dariiqa sharciga ah kuna salaynaya danaha guud ee bulshada iyo qaranka, waxayna ka turjumaysaa nidaamka aynu qaadanay.

Haseyeeshee, Shakhsiyaadka, hore ugu fashilmay Siyaasada ee meel ay ka socdaan iyo meel ay ku socdaan lagaranayn, fariimaha afmiishaarnimo ee ay ummadda kula dhexjiraan ee maalin walba warbaahinta ka dheehanayso waa masiibo Qaran oo la inooga baahan yahay inaynu ka taxadirno si ayna wakhtiga uga lumin masuuliyiinta qaran . Shakhsiyaadkaasi waa Waxmatarayaal, Dib-usocdayaal , Wanaag-ma-arkayaal , Si xun wax-u-sheegayaal aan rajo wadaninimo ku hadhin.

Gabagabadii , anigu ma gabyo , gabayaana ma ihi, balse waxaa igu kalifiay inaan tuducyadan kooban halkan idiinku soo gudbiyo , ficilada foosha xun ee ay ku guda jiraan kooxahaa aan sare kusoo xusay.

· Mucaaridadu yeyna kaa noqon Mindi Goysa Muruqyada iyo Meel Halbowle ah.

· Maskaxdaadu yey noqon sida Mawjad xoog badan oo aan Miciin iyo dhawrin midhaha wadareed.

· Maalintii timaadaba, hamalayn waxaan jirin
· Maatida iyo Dadweynaha ka illaali Mudacyada
· Maankaagu yuu noqon Meel mallo-awaal badan
· Marinkaagu yuu noqon mid xumaan ka Marag-kaca
· Midna waan ku farayaa, Muwaadinka xaqiisiyo , qaado tallo Masulnimo.
· Micnahaygu wuxu yahay, Ninkii aan Milgada garan, een Madaxda muuneyn, isna kama macaashee.
· Sideedaba Macnaha Gabey,mooshin weeye xoog badan ,oo aan maqaal iyo lagu koobin Madaxyada

· Waxaan Maansadaydiyo ku soo meeray hadalkii, waa Macasalaamee, fikir Mutadawacnimo iyo Bulsho wada Mataano ah Midhaheenu waa kaa.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Sh Cali Askar

ixsaan2002@hotmail.com

Hargeysa , Somaliland

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media