Hargeysa (Saraar Media)-Madaxda sagaalkii Urur ee lagu reebay kala saaristii ay gudida-diiwaangalintu ku samaysay 15 urur-siyaasdeed ayaa maanta shir,jaraa,id oo ay si guud u qabteen waxa ku shaaciyeen in aanay habayaraatee aqoonsanayn gudida diiwaan-galinta iyo natiijada iyo ay soo saareenba .
Madaxad ururadan ayaa sheegay in ay mawqif isku mid ah ay ka istageen natiijdan oo ay ku tilmaamen in ya tahay mid aan caddalad loo qaadin .
Waxa kale oo ay shaaciyeen in ay taageerayaashooda ka codsanayaan in ay saddexda maalmood ee soo socda iskugu soo baxaan mudaharaado lagu diidan yahay natiijda gudida .
Ibraahimm Dhagaweyene oo si kulul u dhaliilay natiijdan ayaa sheegay in ay salka ku haysay hab qabiil waxana hadlkiisa ka mid ahaa “ ma aqbalayno natiijdan waxaan u sheegayaa in ay beerta xoriyadda iskugu soo baxaan “
Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka Gurmad Nuur Faarax Xirsi ayaa isna sheegay in uu sicad ugu soo horjeedo waxa kale oo uu ku dhaliilay xukuumadda in ay sicad u faragalisay arrintan kala saarista ururada waxaana hadlkisa ka mid haa “Madaxweyene Siilaany waxaa ku caddaatay waxi lagu xamanaayey anigu waxaan ahay nin dhallinyaro ah laakiin dadka waaeyn baan dhagaysata oo waxii ay ku sheegayeen siilaanyo ayaa maanta dhab ah”
Guddoomiyhah Ururka NDB Foosiya Yuusuf Xaji Adam oo iyana ka hadashay mawqifka ururka ay hogaanka u tahay waxay sheegtay in ay dhammaan taagerayaasheeda ka codsanayso in ay banaan –baxyo iskugu yimaadaan si ay u muujiyaan caddaalad darroda loo gaystay.
Professor Cabdi salaam Yaasiin oo ka mid ah ururka Horyaal ayaa isna si adag u dhaliilay guddida oo sheegay in aanay maanta laga bilaabo u aqoon sanay n guddi taasina ay muujjnayso sida aanay ugu kalsoonayn natiijda ay soo saareen.
Gabagabadii waxay dhammaan madaxda ururadu sheegeen in ay taageerayashooda meel kasta oo ay dalka ka joogaan ay farayaan in ay mudaharaado iskugu soo baxaan lagabilaabo maalinta bari












Comments