Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Udhis Mujaahid Dhego weyne ayaa mudoba ka shaqaynayey sidii uu mar uun hogaanka ugu qabanlahaa Jamhuuriyada Somaliland si dimuqraadi ah oo dadku ka raali yahay,waxay rajadiisii soo noolaatay markii Hogaamiyaha xisbiga Kulmiye oo Madaxweyne Siilaanyo Xiligaa ahaa balanqaaday inuu furayo Ururo siyaasadeed oo uxuubsiibta Xisbiyo.
Isla sanadkii ugu horeeyey wuxuu Mujaahid ,Gudoomiye Dhego weyne bilaabay inuu rag badan oo magac iyo maamuusleh si toos ah iyo si dadbanba ula xidhiidho,masuuliyiintii uu sida tooska ah ula xidhiidhayee saxaafaduna ka war haysay waxaa ka mid ahaa Mujaahid Axmed Mire iyo Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor Mujaahid,Gudoomiye Xasan Ciise Jaamac.
Wararka nagasoo gaadhay wadahadalkii Mujaahid Dhegoweyne iyo Mujaahid Axmed Mire waxay ahaayeen in Mujaahid Axmed mire usheegay inaanu siyaasada utababarayn laakiin diyaar uyahay difaaca Dalkiisa markay arin meleteri ka maaransiin weydo,inagoo wada og Kaalintii weyneyd ee Mujaahid Mire ku lahaa halgankii Xorayta Somaliland iyo sidii sharafta lahayd ee uu uga quusey isjiidjiidadka siyaasada dalka.markuu kasoo duulayey Mujaahid Dhegoweyne London iyo Mujaahid Mire wuxuu xasuusiyey in Mujaahid Muuse Biixi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin ay ku wanaagsanaan lahayd inay labadoodu isu gaashaan buureystaan inkastoo uu ogaa in aanay haysan nin u culus sida Axmed Siilaanyo oo kaalintiisa ay iskaga beegaan.
Markuu arintaa kusoo guuldaraystay wuxuu isku dayey inuu daba fadhiisto siyaasiga qunyar socodka ah isla markaana soo qabtay jagada Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaaliland Sheekh,Mujaahid iyo Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor Mudane Xasan Ciise Jaamac.
Dhowr Maalmood markii ay arintaa kawada sheekaysteen,waxay arini isugusoo biyo shubatay in Mujaahid dhegoweyne ka codsado inay sawir saxaafada loogu talo galay wada galaan isaga iyo Mujaahid Xasan Ciise,arinkan oo uu hore uga yeelay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe oo isaguna xiligii ololihii doorashooyinka ee ugu dambeeyey tageero shacbi ka raadinayey isla sawirka Mujaahid Xasan Ciise.
Waxay ka muuqataa kalgacaylka ay reer somaliland ukala qabaan labada Hogaamiye Urur sida ay usoo kala dhoweysteen iyo sida midina ubbaasay midina udhacay.talo waa mar aanad gaadheyn iyo maraad gees marto,talo ma seegin Mujaahid Xasan Ciise ee waxay talo seegsan tahay Mujaahid Dhegoweyne oo ay la gudboontahay inuu diyaar u ahaado difaaca dalka oo uu aad ugu wanaagsanaa ama meelo ka fudud imtixaanka uu ufadhiistay,maya hogaanka siyaasada dalka.
Bashir Tarabi.
Bogleh69@gmail.com












Comments