Xukumadda Somaliland oo kanoqotay wada hadalkii ay lagalaysay Somalia

Xukumadda Somaliland oo kanoqotay wada hadalkii ay lagalaysay Somalia

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeysa (Saraarmedia) 19.04.2012 Wasiirka Arrimaha dibadda  Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ay ka soo noqotay wada hadalkii ay  la yeelan lahayd dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku eedeeyay madaxweynaha TFG-daa Soomaaliya inuu carqaladeynayo jawigii shirkaasi ku qabsoomi lahaa.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka mid ah Gudidii shanta Wasiir ka koobnaa ee  qaban qaabadda shirkaasi ee dhawaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay wada hadaladda Somaliland/Somalia, ayaa sheegay inay wada hadalkaasi xukuumadiisu si rasmi ah uga noqotay maanta ka dib markii uu Madaxweynaha dawladda wakhtigeedu sii dhamaanayo ee Soomaaliya uu Gudidii farsamo ee wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ku soo daray laba xubnood oo ka soo jeeda goboladda Sool iyo Sanaag bari.

“Wada hadalladii loogu baaqay inay dhex maraan Somaliland iyo Somalia, waxaana markii hore muuqatay inay labada geesoodba soo dhaweeyeen baaqii ka soo baxay shirweynihii London oo loogu baaqay in Somaliland iyo dawladda TFG-da ama ta bedalaysa oo lagu wado inay dhalato bisha August ee sanadkan. Markaa anagoo taasi ka jawaabayna ayaanu samaynay Guddi Wasiir ah. Sidoo kale dawlada TFG-du waxay iyana magacowday Guddi markaa waxaanu bilownay inaanu u diyaar-garowno wada hadalkii, iyadoo arrintu halkaasi marayso ayaa waxa soo baxay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu Gudidii hore ku soo kordhiyay xubno dheeraad ah. Xubnahaasi oo aanu u aragno inay carqaladeynayaan wada hadaladaasi oo carqaladaynaya inay wada hadalo nuxur wanaagsan lihi ay  u qabsoomaan labada dhinac,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilahi oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu sheegay inay Somaliland jeceshahay inay wada hadaladaasi noqdaan qaar lagu najaxo haddii uu Sh. Shariif ka noqdo xubnahan ka soo jeeda Sool iyo Sanaag bari ee uu ku soo kordhiyay Gudidii wada hadalka Somaliland/Somalia.

“Haddii aanu madaxweynaha Somalia wax ka bedalayn arrintan Somaliland qaabkaasi kuma gelayso wax wada hadal ah,”ayuu yidhi Wasiira Arrimaha dibaddu.

“Madaxweynaha TFG-da wuxuu soo ku soo wada daray Gudida wada hadalka Xubno cusub oo ka deegaan ahaan iyo dhaqan ahaanba ka soo jeedda Somaliland arrintaasina waxay noogu muuqataa mid lagu carqaladeynayo qabsoomida wada hadalkaasi, wada hadalku wuxuu dhex mari karaa oo qudha labadii geesood ee isku biiray sanadkii 1960-kii,”ayuu yidhi  Wasiirka Khaarajigu.

xigasho Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media