Hargeisa (Saraar Media) Xaflada oo si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgalay Madaxwayne ku xigeen ka Somaliland Md Craxman Saylici Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Wasiirada Caafimaadka iyo Maaliyada Gudoomiyahaa Maamul Wanaaga Dhakhaatiir iyo marti sharaf aad u badan ayaa loo qabtay Furista Qayb ka mid Dhakhtarka Hargeysa oo laga Hirgeliyey Mashiinka Kalyaha lagu Safeeyo.
Ugu horeyn halkaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargaysa Dr.Axmed Askar oo ka waramay baahida loo qabay qaybtan cusub ee kalyaha taasoo ay tahay markii ugu horaysay ee laga furo Geeska Afrika Agaasimuhu waxaa uu ka sheekeeyey Cisbitaalka waxaanu sheegay inay xafladani tahay mid taariikhda galidoonta Cisbitaalka waxaa jooga Dhakhaatiir xirfad yaqaana.
Waxaa jooga dhakhaatiir Ajaaniba iyo kuwo Qurba Jooga oo u soo noqday sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen, Goobtan aynu furayno oo ah meelihi ay dadkeenu u tagi jireen dibadaha qalabkan waa qalab aad u qaaliya markaa Cisbitaalku kaligii ma wadi karo waxaan ka cosanayaa Ganacsatada Wasiirka Maaliyada iyo bulshada kaleba inaynu lacag iska ururino si aanay qalabkani u fadhiisan si aynu ugu wadno hawlaha uu inoo qaban doono adeegani.
Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Dr Axmed Wali oo ka sheekeeyey baahida loo qabay adeegan,Waxa uu sheegay qalabka kalyaha lagu sifeeyo marka ay kalyuhu dhintaan 90%.
Waxaa soo socda Saddex mishiin si ay hawshu inooga kala fududaato maalintii waxaa la dawyn karaa ilaa 6 qof qof kastana waxaa laga shaqaynayaa 3-4 Sacadood waxay u noqonaysaa kharash aad u badan qofka kalyuhu boqol shaqo ayay jidhka u qabtaan waxaa inala jooga ayuu yidhi Dr Axmed Wali 5 Khabiir oo qalabkan ku shaqayn doona waxay ka kala yimaadeen 2 Finland 3 na India waxa inoo soo socda 10 Khabiir oo iyana dhawaan aynu filayno.
Waxakale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarad Caafimaaadka Somaliland Dr.Xusen Xoog oo u mahad celiyaya cid kasta oo ku hawlanayd adeega ama xarunta cusub waxa kale oo uu u mahad celiyay dawlada Finland Waxaa uu yidhi waa dalka Finland inooga yimid dadkeenii.
Waxa kale oo inoo yimid 15 dhakhtar waxaa soo socda 10 dhakhtar 25 kaasiba waxy ka hawlgali doonaan Cusbitalka iyo kuwa Goboladaba.
Cusbitaalku waxa uu bilaash ka dhigay Dumarka Umushu ku raagto isagoo tilmaamay inaanay hooyo u dhiman 50 Dollar intay day dayayso waxaa mishiinada laynoo keenay iyadoo ay u dhan yihiin qalabkooda iyo dawaduba 2009 laakiin marki lamay socon wax hawl wadeena laakin maanta waynu haysanaa Ilaahayn waynu ugu mahad naqaynaa.
Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Aadan Axmed Diiriye Baradho oo ku hadlaayey Afka Ganacsatada oo halkii ka sheegay inay kaTijaar ahaan wax walba la garab taagan yihiin Cisbitaalka iyo xaruntan cusuba.
Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo halkaa ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan waaxyaha kala duwan ee Cisbitaalka iyo Wasaarada Caafimaadka.
Waxaa uu sheegay inay dadkeenu kaga baahi bixi doonaan Dhakhaatiirtii iyo Qalabkii Qaaliga ahaa ee dibadaha loo doonana jiray imikana dalka loo keenay Wwasaarada Maaliyaduna diyaar ayay u tahay wax kastoo loo qabanaayo bulshada way ii yimaaden Wasiirka iyo xubno kale waanan u fuliyay waxay doonayeen hadii aynu iskaashano wax waynu qabsan karnaa.
Gudoomiyahay Baarlamaanka C/raxmaan Ciro ayaa ku tilmaamay inay xaruntani tahay ta ay Geeska Afrikii soo doonan doonaa hadii ay noqoto Jabuuti ,Ethiopia iyo Somaliyaba.
Ugu dambaynii waxaa halkaa ka hadlay Madaxwayne Ku xigeen ka Somaliland C/raxmaan Saylici Oo u mahad celiyay cidii gacan ka gaysatay sheegayna inay ka xukumad ahaan diyaar u yihiin inay bulshada u horseedi doonaan horumar kana cawin doonaan adeegayada kaabayasha caafimaadka.
Waxaa noo suura gali wayday inaanu sawirka soo qaadno mishiinka amaanka oo aad loo adkeeyay awgeed…
source;
togaherer












Comments