Daawo: 11 Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo Samaystay Xeer Hoosaad ay Ku Dhaqmaan

Daawo: 11 Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo Samaystay Xeer Hoosaad ay Ku Dhaqmaan

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

Hargeisa (Saraar Media ) Salaadiinta beesha Sacad Muuse ayaa soo saaray xeer-hoosaad dhaqan oo la xidhiidha maamulka salaadiinta beesha.

Shir jaraa’id oo 11 suldaan oo ka mid ah salaadiinta beeshu ku qabteen guriga ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa waxay kaga dhawaaqeen xeer-hoosaadka ay samaysteen oo ay sheegeen inuu ka dhashay shirar u socday muddo bil iyo badh ah.

War-murtiyeed ku saabsan xeer-hoosaadkaas oo uu halkaasi warbaahinta ugu akhriyey Xoghayaha golaha salaadiinta beesha Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan, waxa uu u qornaa sidan;

“Salaadiinta dhaqan ee beelaha Sacad Muuse iyaga oo ka duulaya hawlaha dhaqan ee ay u igman yihiin, door muhiim ahna ka qaadanaya kobcinta, isku xidhka iyo hab nololeedka wadaagga ah iyo isku duuubnida beesha, wax kastana ka hor marinaya danta caamka ah iyo walaalnimada waxa ay soo saareen qodobo dhawr ah oo ay wakhtigan xaadirka ah u arkeen in ay leedahay muhiimad ballaadhan, iyada oo laga duulayo xaaladaha ku gedaaman beesha. Salaadiintu waxa ay muhiimad weyn siinayaan beesha ay matalaan iyo sidii ay u gaadhi lahaayeen talooyin midaysan marka laga hadlayo danaha iyo mahaamta ay umaddooda ugu igman yihiin. Salaadiinta beelaha Sacad Muuse oo shirar gaar ah oo socday muddo bil iyo badh ah oo ay arrimahan ka yeesheen waxa ay isla qaateen qodobadan soo socda oo gundhig u noqon doona dhawr mabda’ oo aasaasi ah oo ay ku hawlgali doonaan door wax-ku-ool ahna ka qaadan doona danta beesha, kuwaasi oo kala ah:

Markaanu araganay in baahi loo qabo talo midaysan oo ay beeshu yeelato

Markaanu ku qanacnay in ay muhiim tahay hormoodna ay ka noqon karaan salaadiinta beeshu.

Markaanu aqoonsanahay, iskuna qancinay in goolaha salaadiintu yahay tiirka ugu muhiimsan ee beesha muhiimna ay tahay in hawlaha beesha ay ku fuliyaan hab isku duubni ah. Yihiina kuwa kali ah ee danta caamka ah ee beesha ka arrimin kara.

Waxay golaha salaadiinta beesha Sacad Muuse isla qaateen in xeer-hoosaad uu yeesho golaha salaadiintu;

1. Waxa magaca beesha ku hadli kara oo keliya salaadiinta

2. Waxa reeban in magaca guud ee beesha ay ku hadlaan cuqaasha, odayaasha, siyaasiyiinta, culimaa’udiinka, haweenka, dhallinyarada iyo guddiyada kale ee kala duwan ee arrimaha bulshada

a) Arrimaha beesha waxa marjac iyo mus-dambeed u ah golaha salaadiinta, go’aanka u dambeeyana waxa leh golaha salaadiinta oo haddii xaalad degdeg ahi timaado ka go’aan qaadanaya.

b) Cid kasta oo aan salaadiinta ahayn oo isku dayda ama ku kacda inay ku hadasho magaca guud ee beesha waxa loo aqoonsanayaa dambiile beeleed.

Magacyada Salaadiinta

1. Sul. Axmed Nuur C/Laahi Samaale.

2. Sul. Ismaaciil Sul:C/Raxmaan

3. Sul. Xuseen Ismaaciil Geele.

4. Sul. Jaamac Cismaan Aadan.

5. Sul. Xiis Barre Yusuf.

6. Sul. Ibraahim Sul. Sulub Nuur.

7. Sul. Xuseen Aw Muuse Warsame.

8. Sul. Maxamed Daahir Cilmi.

9. Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin

10. Sul. Ismaaciil Aadan Xirsi

11. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media