Heestan Cusub waxaa ku luuqaynaya Fanaanka weyn ee caanka ah Ahmed Dhagax heesta magaceeda waxaa la yidhaahdaa Dadyahow Somaliland waa midhihii iyo Laxankii Abwaanka caanka Ilka Jiir iyo muusikadii Mustafe Dafle waxaa soo saarey Saraar Media Production waxaana lagu duubay istuudiyaha Saraar Media ee London.
Hambayo iyo bogaadin ayaanan udireynaa heestiisa Cusub. Taa waxaa dheer waxa uu soo wadaa hada ay Saraar Media gacanta ku haysaa heeskale oo wadani ah oo iyaduna ah hees uu u qaadayo Somaliland hadaba ha filan waayina maalmaha fooda inagu soo haya.
London Saraar Media













