Hargeysa (Saraarmedia) 10.04.12 – Wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland ayaa khuburo dhinaca ataarta qadiimka ah oo u dhashay dalka Faransiiska kala wareegtay 500 oo buug faro badan oo ay ka qoreen aataarka qadiimka ah ee Somaliland.
Khuburadan wasaarada ganacsigu kala wareegtay buug ay ka qorVelery Montpellier.een aataarka qadiimka ah ee Somaliland ku duugan oo ka tirsan jaamacad ku taala dalka Faransiiska oo magaceedu yahay Paul-
Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka hadlay buugtan lagu wareejiyey iyi nuxurka ku duugan ayaa sheegay In buugtan ay la wareegeen ay yihiin kuwo laga qoray aataarka qadiimka ah ee u jirta deegaanka Laasgeel “Kulankan waxaanu u qabanay sidii aanu ugala wareegi lahayn 500 oo buug oo ay ka soo qoreen macluumaadka goobta qadiimiga ah ee Laas-geel iyo inaanu kooxdan khubaradda ah dalka ku soo dhawayno, waxayna dalka joogi doonaan ilaa 16-ka bishan, waxayna shaqo ka qaban doonaan laba goobood oo ka mid ah goobaha ataarta qadiimiga ah ee dalka” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo khuburadan uga mahad-celiyey buugtan ay ka qoreen aataarka qadiimka ah ee ku jirta Laasgeel.
Prof Vavier Gutherz oo hoggaaminayay kooxdan oo illaa siddeed xubnood oo khubaro ataarta qadiimiga ah aqoon u leh kana socday Jaamacadda faransiiska ah ee Paul-Velery Montpellier oo kulankaasi ka hadlay ayaa ka waramay nuxurka ay xambaarsan yihiin buugtan ay soo daabaceen ee ku saabsan ataarta qadiimiga ah waxaanu yidhi “Waxaanu isku dayaynaa inaanu wixii karaankayaga ah inaanu taageerno ama horumarino ataarta qadiimiga ah ee Somaliland haddii ay tahay dhinaca cilmi-baadhista iyo haddii ay noqoto dhinaca diiwaan-gelinta, waxa muhiim ah inay ummad waliba ogaato dhaqankeeda qadiimka ah, dhaqankeedii hore iyo ataarteeda qadiimiga ah. Markaa anagoo tix-raacayna taasi waxaanu cilmi baadhis ku samaynay goobta Laas-geel,”
Khabiirkan waxa kale oo uu soo qaaday “Buugtan aanu soo daabacnay waa Buug si mug leh uga sheekaynaya goobta Laas-geel iyo ataarta qadiimiga ah ee ku duugan, waa Buug hordhac ah oo oo loogu tallo galay dadka dalxiiseyaasha ah ee tagaya Laas-geel waxaanu buugu sharaxayaa taariikhda goobta Laas-geel iyo godadkeeda waxyaabaha ku jira.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo sharaxaya buug ka mid ah buugaagta ay wasaarada ku wareejiyeen “Waa buug loogu tallo-galay bulshadda xiisaysa ataarta qadiimiga ah isla markaana waxaanu ugu tallo-galay in la dhigo meelaha ay ardayda Jaamacadaha dhigtaa wax ku akhristaan waxaanay wax ka tari doontaa inay bartaan ataarta qadiimiga ah ee Somaliland”.
Xigasho Ramaasnews Desk













