Daawo: Gudoomiyihii Jaamacada Hargeisa Prof Muuse oo Is Casiley

Hargeisa (Saraar Media ) Gudoomiyihii Jaamacada Hargeisa Prof Muuse ayaa saacado yar ka hor iska casilay xilkiisi uu ka hayay Jaamacada Hargeisa.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Prof Muuse uu warqadii iscasilaada uu u gudbiyay gudida sare ee Jamacada Hargeisa
sababta ugu hadal haynta wayn ee Prof Muuse isku casilay ayaa ah kadib markii uu lacagti Fee ga ardayda laga qaado ee Jaamacada uu kordhiyay intii uu ahaa Gudoomiyaha.

Ma aha markii koobad ee Gudoomiye iska casilo xilkiisa Jaamacada Hargeisa sanadkii 2010 ayaa sidan oo kale Gudoomiyihii wakhtigaasi Pro Bulhan uu isna iska casilay xilkiisi kadib markii uu lacag tiro badan ku kordhiyay ardayda Fresh ka ee Jaamacada sanadka koobad Tuition laga qaado taaso ay gadood ay sameeyeen kadib sababtay in xilkiisi uu ku waayo Prof Bulhan.

Waxay ahayd wiig ka hor markii Gudoomiye Muuse uu lacagta ku kordhiyay ardayda Jaamacada taasoo ardayduna cabasho ay la hortageen Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta Sare iyo Gudiga Tacliinta Sare ee Somaliland arinkaas dhex maray Ardayda iyo Wasaarada ayaa ku soo dhaamaday in ardaydu ay bixiyaan Tuition koodi hore oo anay u hogaansamin lacag kordhinta Gudoomiyaha iyo Board ka Jamacada .

Su`aasha Taagan Waxa Weeye Halkee ayay salaadu ka xidhmi la`dahay , Su`ashan waxa kaliya oo ka jawaabi kara Ardayda Jaamacada oo iyagu ah stakeholders Jamacada Hargeisa kaliya ee ay haysato iyo Board ka Jaamacada oo si xeel dheer u soo dhex gala arinkaas soo noqnoqday….

 

xigasho Togaherer

Daawo: Gudoomiyihii Jaamacada Hargeisa Prof Muuse oo Is Casiley

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media