Wararka ka imanaya dalka Malawi ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka malawi lagu dhaariyey barlamaanka dalkaas maanta kadib kolkii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaasi
Joyce Banda oo 61 jir ahi waxay noqonaysaa madaxweynihii ugu horeeyey wadamada koonfurta afrika ee haween ah. Joyce waxa ay tidhi waxaan doonayaa inaynu u dhaqaaqno dhamaanteed mustaqbalka oo ay ku dheehantahay rajo iyo isku duubni.
Joyce waxay amartay in calanka dalka Malawi hoos loo dhigo TV qarankana laga sii daayo muusik loogu baroordiiqaayo madaxweynihii geeriyooday.













