Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Turkiga oo sameysay Urur iyo tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo lagu qabtay Turkiga

Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Turkiga oo sameysay Urur iyo tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo lagu qabtay Turkiga

0 votes, 0.00 avg. rating (0% score)
Share Button

 Sabti 07.04.12 (HOL) — Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Turkiga ayaa ku sameysay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Khamiistii lasoo dhaafay urur ganacsi oo ay ku mideysan yihiin, iyadoo la sheegay in ujeedka ururkan uu yahay sidii labada dal ay albaabooyinka ganacsiga isku dhaafsan lahaayeen.

Guddoomiyaha ururkan, Bilaal Celik oo Turkish ah ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in ujeeddadooda ugu weyn ay tahay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirka ganacsi ee labada dal ayna isku dhaafsan lahaayeen alaabooyinka ganacsiga.

“Ururku howshiisa wuu billaabay, waxaana howlwadeenno ka ah saddex shirkadood oo Turkish ah iyo afar shirkadood oo Soomaali ah,” ayuu yiri Celik oo u warramayay wakaaladda wararka ee Turkiga.

Miisaaniyadda ururkan uu ku shaqeynayo sannadkan 2012 ayaa cadadkeeda lagu sheegay 50-milyan oo doollar.

Dhanka kale, tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali ayaa lagu qabtay gobolka Edirne oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalka Turkiga, kuwaasoo la sheegay inay si sharci-darro ah ku galeen dalkaas isla markaana doonayay inay si sharci-darro kaga baxaan.

Tahriibayaasha la qabtay ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 75-ruux ayaa waxay u kala dhasheen dalalka: Soomaaliya, Falastiin iyo Myanmar, iyadoo booliiska dalkaas ay sheegeen in tahriibayaashan ay wateen baasaboorro la been abuuray.
Xigasho Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

                                                                                            

Comments

comments

Submit your comment

You must be logged in to post a comment.

Saraar Media © 2013 All Rights Reserved

East African Media Centre

Designed by Saraar Media

Powered by Saraar Media