Sabti 07.04.12 (saraarmedia) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo baqonimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo ay todobaad ka hor la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya.
Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa: taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Shariif Sheekunaa Maye, saraakiil ka socda AMISOM, saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Booqashada wafdigan ay ku tageen Xudur oo aan la sheegin inta maalmood ee ay qaadanayso ayaa waxaa lagu wadaa inay mas’uuliyiintu ugu kuurgalaan xaaladda degmada Xudur.
Sidoo kale, waxaa wafdigan ku biiray guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Cali (Tall) iyo guddoomiyaha degmada maamulka degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed iyo xubno la socda oo iyaguna maanta ka dhoofay magaalada Baydhabo.
Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa degmada Xudur kusoo dhaweeyay xidlhibaanno horay ugu sugnaa, qaar ka mid ah maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.
Mudane Shariif Xasan iyo xubnaha la socda ayaa lagu wadaa inay la kulmaan dadka ku nool degmada Xudur, si ay ugu boorriyaan inay taageeraan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan degmadaas.
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Shariif Sheekhunaa ayaa isna la sheegay in sababta uu u tagay Xudur ay tahay sidii ciidammo booliis ah loo geyn lahaa Xudur, sidoo kalena uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda ammaan ee degmadaas.
Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya kula wareegeen dagaal la’aan hal todobaad ka hor, iyadoo socdaalka uu Shariif Xasan ku tagay uu noqonayo kii labaad oo uu ku tago gobollada Bay iyo Bakool.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii hore booqasho laba todobaad qaadatay ku tagay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo is-garabsanaya.
Xigasho Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online












Comments